Somali

AiA: 1000 NOK oo loogu talagalay waxqabadyada firaaqada ee nidaamsan, simistarka gu`ga 2021

Xilliga dayrta ee 2020, waalidiinta haysta/leh carruurta da’doodu u dhaxayso 6 iyo 18 ee dhigta iskuulada la xushay ee magaalada Asker, waxaad fursad u heshay dalab inaad ku dalbato lacag celin ah kun 1000 karoon oo loogu talagalay howlaha firaaqada ee nidaamsan. Tani  waa mashruuc tijaabo ah oo ku saabsan kaarka xilliga firaaqada ee carruurta iyo dhallinyarada.

Hadda ilmahaaga / dhallintaada waxay heli doonaan 1000 koron barnaamijka cusub ee waxqabadka AiA. Waxaad ku bixin kartaa qaansheegadka/fawaatiirta howlaha cayaaraha habeysan ee cunuga si toos ah ugu bixin kartaa barnaamijka AiA, ama halkan adoo isticmaalaya websaydh yadeena.

Semesterka/xilga gu`ga ah, hadda waxaa jira seddex xal oo lacag bixinta ah.

  1. Waxa aad ku bixi kartaa fawaatiirta leh lambarka KID ee barnaamijka/abka AA.
  2. Ku bixi adigoo adeegsanaya xalka lacag bixinta kooxda isboortiga (Min Idrett, Weborg, Spond iwm). Xalkaan wuxuu diyaar noqon doonaa dhamaadka Febraayo, markaas ayaan kuu soo diri doonaa SMS/fariin cusub.
  3. Haddii aad horeyba u bixisay simistarka gu’ga ee 2021, waxaad dalban kartaa lacag celin ah sanadkii hore. Xusuusnow inaad ku lifaaqdo risiidka lacag bixinta. Haddii magaca ilmaha ama kooxda / ururka uusan si cad uga muuqan rasiidka, waa inaad sidoo kale ku lifaaqdaa xaqiijinta xubinnimada ilmaha.

Waqtiga kama dambaysta ah ee loo isticmaali karo lacagta AiA waa 15-ka Juun 2021

Ujeedada kaarka xilliga firaaqadu waa inuu gacan ka geysto kordhinta ka-qayb-galka iyo ka-mid noqoshada waxqabadyada dhaqameed iyo isboorti ee habaysan/nidaamsan ee carruurta iyo dhallinyarada. (waxqabad go’an oo soconaya siddeed jeer ama ka badan xilli-dugsiyeedkiiba)

Qaddarku waa mid shaqsiyadeed, kaliya ardayga ka diiwaangashan barnaamijka waxqabadka ee AiA ayaa helaya lacagtan. Magacyada ardayda waxaa laga soo qaatay liisaska fasallada. Iskuulada qeyb ka ah qorshaha tijaabada waa:

  • Dugsiyada hoose: Blakstad, Bondi, Drengsrud, Hagaløkka, Jansløkka, Rønningen, Vardåsen iyo Vettre
  • Dugsiyada dhaxe: Borgen, Risenga iyo Solvang
  • Dugsiga sare ee Asker

Si aad u isticmaasho sixir-dhimista 1000 koron markii aad bixinaysid waxqabad firaaqo ah oo khuseeya xilliga gu`ga ah ee 2021, waa inaad raacdaa xiriirka kaala soo xiriira SMS iyo e-maylka. Haddii ardaygu leeyahay laba waalid, labadiinaba waad helaysaan fariinta isku mar. Markii lacag la bixiyo ama la dalbanayo soo celinta, magaca canugga waxaa lagu muujinayaa booska cawlan ee goobta dalbashada.

Haddii aad dhibaato kala kulanto gelitaanka, u soo dir e-mayl  Xusuusnow inaad raacdo xiriirka SMS ka hor intaadan weydiisan caawimaad.

Isticmaal magac aqoonsi ee aad ku heshay e-mayl iyo SMS qoraalka af Norwiijiga ah.

* Tag xiriirkan bayjkaan: http://www.asker.nods.no/BufDir

* Xulo: «Miyuu isticmaalehu doonayaa inuu ii shaqeeyo».

* Gali magac aqoonsi iyo sirqarinta(passord). Haddii aadan horay u samaynin isticmaale ama aad ilowday lambarkaaga sirta ah, riix «New password».

Marka aad gasho, dhag sii/riix: lacag bixinta – cayaaraha habeysan ee wakhtiga firaaqa

Salaan celin ka timid Dagmeda Asker

 

Dagmada Asker waxa ay tijaabinaysaa kaardha wakhtiyada firaaqa ee caruurta iyo dhalinyarada

Sanadkii 2020, degmada Asker waxay ka mid noqotay dhowr degmo oo tijaabiyay kaarka dalxiiska ee qaranka. Caruurta iyo dhalinyarada da doodu u dhaxeyso 6 ilaa 18 sano oo dhigta iskuulo gaar ah oo u dhaw bartamaha Asker ayaa heli doona 1000 NOK simistarka/sanad badhkii inta howlaha madadaalada ee abaabulan ee mashruuca tijaabadu socdo. Lacagtaa waxaa lagu heli karaa iyada oo loo marayo barnaamijka waxqabadka ee AiA.

Agaasinka Carruurta, Dhallinyarada iyo Qoysaska (Bufdir) waxaa u xilsaartay Wasaaradda Carruurta iyo Arrimaha Qoyska inay darsaan qorshaha kaararka madadaalada qaran ee loogu talagalay dhammaan carruurta da’doodu u dhexeyso 6 iyo 18, oo tanna lagu tijaabiyo degmooyin tijaabo ah (degmooyinka tijaabada ah). Ujeedada kaarka xilliga firaaqadu waa in carruur iyo dhallinyaro badani ka qaybqaadan karaan waxqabadyo joogto ah oo abaabulan. Kaqeybqaadashada howlaha firaaqada waa muhiim si looga fogaado banaan ku dhaca.

Waa maxay qorshaha kaararka madadaalada qaranku?

Dagmada Asker waxa ay hore u heystey barnaamijka waxqabadka/Apka ee AiA kaas oo ku siinaya qiimo dhimis oo aad kaga qayb qaadan karto dhowr waxqabadyo shaqsiyeed ah, kaarka firaaqada ayaa hada lagu tijaabinayaa barnaamijkan. Kaarka xilliga firaaqadu wuxuu gacan ka geysanayaa bixinta khidmadda kaqeybgalka ee waxqabadyada caadiga ah, abaabulan iyo ciyaaraha  carruurta iyo dhallinyarada, laga bilaabo sannadka uu ilmuhu 6 jirsado, illaa iyo inta ay ka gaadhayaan jadwal sannadeedka ee ay buuxinayaan  18 sano.

Nidaamka kaararka xilliga firaaqada waa in loo arkaa iyadoo lala xiriirinayo Bayaanka Wakhtiga firaaqada, oo ujeeddadiisu tahay in la hubiyo in carruurta oo dhan, iyadoon loo eegin xaaladda waalidnimo iyo xaaladdooda dhaqaale, ay fursad u leeyihiin inay si joogto ah uga qaybgalaan ugu yaraan hal xilli firaaqeed oo abaabulan carruurta/ilmaha kale.

Waa kuwee ardayda dugsiga ee ku lug leh mashruuca tijaabada ah oo heli kara lacagtooda?

Mashruuca tijaabada ah degmada Asker ayaa kaqaybqaadatay, taas oo khusaysa caruurta iyo dhalinyarada udhaxaysa 6 iyo 18 sano iskuulaadka soosocda ee udhow Asker badhtamaha /aaga  3aad: Dugsiyada hoose Rønningen, Hagaløkka, Drengsrud, Vardåsen, Jansløkka, Bondi, Vettre iyo Blakstad. Dugsiyada dhalinyarada ee Borgen, Solvang iyo Risenga, iyo sidoo kale dugsiga sare ee Asker. Dhammaan ardayda dhigata dugsiyadan waxaa laga dabooli karaa illaa 1000 NOK oo ah hawl-qabad joogto ah, abaabul xilli-dugsiyeed kasta, illaa iyo inta mashruuca tijaabada ahi socdo.

Taageerada howl qabadka xilga gu`ga ee 2021

Ardayda dhigata iskuulada ay khusayso ee kuyaala badhtamaha / aaga 3aad waxay hada ku helayaan appka cusub 1000 kun karoon, oo ay ku bixin karaan waxqabadyo joogto ah oo abaabulan xiliga gu`ga ee sanadka 2021. Lacagtaan waa in la isticmaalaa inta lagu jiro 15ka Juun 2021. Intaas kadib, ma heli kartid lacagtaas.

Hawlo noocee ah ayaa «maaliyadaha firaaqada» laga helayaa AiA?

Dhaqaalaha xilliga firaaqada, taas oo la odhan karo taageerada dhaqaale ee ah ilaa 1000 karoon ilmihiiba ee lixdii biloodb mar ah, waxaa loo isticmaali karaa oo keliya khidmadda ka-qaybgalka iyo xubin ka noqoshada / liisanka, howlaha caadiga ah ee habaysan ee maalinlaha ah ee dhaqanka iyo isboortiga, oo dhaca ugu yaraan siddeed jeer lixdii biloodba.

Lacagta xilliga firaaqadu ma daboosho dalabyada fasaxa, xarumaha booqashada loo aado  ama tartamada. Sidoo kale ma daboolaan qalabka isboortiga, qalabka muusikada iyo kharashyada kale ee tooska ah. Lacagtaan  sidoo kale looma isticmaali karo waxqabadyada shaqsiyeed ee ka jira AiA, sida bowling, safar loogu baxo barkadaha dabaasha ama waxqabadyo kale oo iskood isu abaabulay. Haddii aadan isticmaalin fursadda aad ku codsaneyso dib u soo celinta lacagtii aad horeyba u bixisay 15-kii Juun 2021, cunuggu wuxuuna heli doonin xaqqa lacagta.

Haddii aad qabtid su’aalo dheeraad ah, waxaad kala xiriiri kartaa barnaamijka Waxqabadka halkan: 

 

Heey!

Hadaan nahay maamulka magaalada Asker, yoolkeenu waa inaan helno cadadka ugu badan ee caruurta iyo dhalinta ilaa inta macquulka ah inay qayb kanoqdaan hawlaha baashaalka/dugsiga kadib. Waana taas sababta aan usamaynay bar interneet oo nogaar ah oo looyaqaan AiA

AiA waxay tusaale wayn kabixinaysaa hawlaha baashaalka waxayna kusiinaysaa qiimo dhimis loosamaynaayo dhamaan caruurta iyo dadka yaryarka ah oo da’doodu udhaxayso 6 ilaa 16 kuwaasoo doonaaya inay kaqaybgalaan hawlahaan.

AiA waxay sido kale “kahadashaa” kalaandarka shaqooyinka ee cusub ee Maamulka magaalada Asker, «aktiviasker.no».

AiA, waxaad kahelaysaa qiimo dhimis lagaaga sameeyo tigidhada meelaha lagu dabaasho, jardiinada caruurtu kuciyaarto, meelaha laga laalacshoobo iyo munaasabadaha kale oo kaladuwan.

Si aan uga faa’iidaysano waxaa qasab ah inaad marka koobaad soodagsato AiA, kaasoo aad kasoo dagsan karto barta App-store, Google play,
www.asker.nods.no/aia

Haddii aad kayartahay da’da 18 sano jir, waxaad ubaahantahay qof wayn oo kuudhamaystira qaybtaan.

Markaad soodagsato barta, waxaa lagu waydiisanayaa inaad isdiiwaangaliso.
Maamulka magaalada Asker wuxuu xaqiijinayaa in shaqada diiwaangalintu tahay mid dhamaystiran oo ammaan ah.

Markaad isdiiwaangaliso, waxaad helaysaa kaar wata koodhka QR. Waxaad lasoo bixi kartaa koodhka QR markaad dhiibayso qarashaadka nashaadaadka si qiimo dhimis laguugu sameeyo tigidhadaada.

AiA waxaa loogu talagalay in dadka kale loofududeeyo inay lacag kusoo shubaan koodhka QR ee cunugooda ayagoo adeegsanaaya Vipps ama Nets (waalidiinta, ama waalidka waalidkiis, tusale). Mararka qaar, maamulka magaalada ayaa sidoo bixin kara diiwaangalin lacag la’aan ah oo lagu galo munaasabadaha ama nashaadaadka ayadoo la adeegsaaayo kaarka.

AiA waxaa kaliya loo adeegsan karaa adeegyada ay bixiso AiA. Uma adeegsan kartid meelaha kale, sida dukaanada, dukaanada laga adeegto, iwm.

Sidaas awgeed dadka waawayn, maxaysan u iibsanayn tigidhada AiA marka xigta ee aad dareentaan inaad ubaahantihiin inaad cunugiina siisaan khibrad uu kahelo nashaadaadka?
Hadba markay soo bataan dadka kaarka adeegsanaaya, waxay sii kordhinaysaa barnaamijyada aan bixinayno, si aan u xaqiijino in inbadan oo kamid ah caruurteenu ay fursad uhelaan kaqaybgalka nashaadaadka Asker.

Maadaama kaarka AiA uu wali soo kobcaayo, waxaan dhab ahaantii danaynaynaa fikradaha dadka isticmaala kaarka. Waxaad fikirkaaga noogusoo diri kartaa

Baashaal!